Daawo Sawirada: Axmed Madoobe oo kormeer ku tagay Deegaan Al Shabaab laga saaray

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kormeer ku tagay Deegaanka Baar Sanguuni iyo Deegaano kale oo  kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ee xaruna gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa kormeeray xeryaha ciidanka Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya ka degan yihiin Deegaanka Baar-Sanguuni, waxa uu sidoo kale kormeer ku tagay qeybo kale oo deegaankaasi kamid ah.

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Saraakiil katirsan ciidanka Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-Sanguuni ayaa kala hadlay sidii loo dar dar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Deegaanka Baar-Sanguuni uu kormeerka ku tagay Madaxweynaha Jubbaland ayaa bilo kahor laga saaray dagaalyahanada Al Shabaab oo horey u maamuli jiray, waxaana deegaankaasi ka dhacay weeraro dhiig badan ku daateen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -