Fiqi oo soo bandhigay hab cusub oo lagu casriyeynayo waxqabadka Wasaaradiisa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta daaha ka qaaday nidaam cusub oo “degital” ah oo howlaha Wasaaradda lagu casriyaynayo, isagoo sheegay in nidaamka uu kordhin doono wax-qabadka, hufnaanta shaqada, bixinta adeegyada iyo sidoo kale la socodka iyo raad-raaca.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la gaaro horumar la taaban karo, iyadoo la hiigsanayo aragti cad oo mustaqbal leh, si hore loogu dhaqaajiyo Wasaaradda, loona qaato fikrado la jaan-qaadaysa teknoolojiyadaha cusub, lana taabageliyo tub hore-u-socod leh.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo taageeraya aragtida Wasiir Axmed Fiqi, ayaa iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee nidaamka cusub uu ka qaadan karo xoojinta daahfurnaanta iyo waxtarka shaqooyinka kala duwan ee waaxyaha.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay in nidaamkani uu casriyaynayo howlaha shaqada, sarena uu u qaadayo howl-gudashada, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in uu wax ka taro geedi socodka mustaqbaleed ee Wasaaradda.

Qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa waxa ay soo bandhigeen aragtiyo si loo hubiyo waxtarka nidaamka iyo dhammaystirkiisa si uu aas’aas ugu noqdo gaaridda horumar istiraatiijiyadeed.

- Advertisement -