Madaxweyne Erdogan oo Taageero weyn u muujiyay Ciyaaryahan Dunida caan ka ah

Madaxweynaha  dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero weyn u muujiyay Ciyaaryahanka Kooxda Arsenal Mesut Ozil , oo dhaleecyen xoogan kala kulmay sawir uu la galay Madaxweynaha Turkiga.

Mesut Ozil ayaa dalka Jarmalka kala kulmay dhaleeceyn xoogan kadib markii isaga iyo ciyaartoy kale oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga sawir la galeen Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Ciyaaryahan Ozil ayaa dantu ku kaliftay in uu isaga fariisto ciyaaraha caalamiga kadib markii uu dhaleeceyn kala kulmay xulka uu matalayay ee Jarmalka, waxaana go’aanka Ozil dunida looga arkay siyaabo kala duwan.

Madaxweyne Erdogan ayaa taageero u muujiyay si weyna u difaacay Ciyaaryahan Ozil, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay falka lagu cunsuriyeeyay kadib sawirkii uu la galay.

“Ma marjinaa ciyaartooygii Jarmal ah ee dalkeena ka ciyaara marka uu sawir la galo Hogaamiye Angela Merkel?” ayuu isweediiyay Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay sida loola dhaqmay Erdogan.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Turkiga in uusan jirin wax khalad ah uu sameeyay Ozil kana shalaayo, Erdogan ayaana sheegay in Ozil ciyaaraha caalamiga ah uga fariisto sababo iyo culeesyo jira owgeed.

Ozil ayaa dhaleeceyn xoogan kala kulmay Jamaahiirta iyo Siyaasiyiinta dalka Jarmalka kadib sawirkii uu magaalada London kula galay Madaxweynaha Turkiga Erdigan, waxa uuna Ozil asal ahana kasoo jeedaa dalka Turkiga halka uu heesto dhalashada Jarmalka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -