Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo talo muhiim ah siiyey Laftagareen

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed ka dib muddo kororsigii uu sameystay Madaxweyne Laftagareen oo muddo xileedkiisii sharciga ahaa ee afarta sano uu shalay ka dhamaaday.

Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa ugu baaqay Laftagareen inuusan dagaal iyo khalalaase u horseedin shacabka Koonfur galbeed, uuna ka laabto muddo kororsiga halka sano ee sida sharci darada ah uu ugu sameeyey baarlamanka maamulkaas sida uu yiri

“Laftagareen afar sano ayuu meesha joogay, haddii wax qabatayna ma qarsoomayaan, muddo kororsi in uusan socaneyn waad aragtaa, waxaan kula talinayaa dood iyo muran ha gelin, isugu yeer siyaasiytiinta oo doorasho qabo, hadii aad kursiga rabtana mar kale waad u tartami kartaa,” ayuu yiri Mursal.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ayaa xusay in muddo kororsiga uu yahay mid ay adag tahay inuu socdo ama meel maro, isagoo tusaale u soo qaatay mudo kororsigii fashilmay ee Farmaajo oo sida uu yiri loo baahan yahay in Laftagareen uu cashar ka barto.

“Baarlamaanka jooga muddo ma kororsi ma sameyn karo, waad xusuusataan wixii dhacay 2021-kii xiligii Farmaajo muddo ayaan kororsaneynaa toos uma aanan dhihin ee waxaan dhahnay doorashada ayaa dib loogu noqonaa, waxaa loo baahan yahay laftagareen inuu dib u xisaamtamo oo kursiga si sharaf leh ku baneeyo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Dhinaca kale, Mursal ayaa soo dhoweeyey in shir dib u heshiisiin ah loo qabto shacabka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si loo dhayo boogihii kala gaaray xiligii uu laftagareen talada la wareegayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -