Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in la sii daayey C/risaaq Dhoore oo ku afduubna Baladweyne?

Sida ay sheegayaan Wararka aanu ka heleyno magaalada Baladweyne wariye Cabdirisaaq Mire Dhoore ayaa dib u helay xoriyaddiisa ka dib afduub muddo todobaad ah loo heystay.

Dabley hubeysan ayaa dhowaad todobaad ka hor duleedka magaalada Beledweyne ka afduub ugu haystay Cabdirisaaq, oo ah suxufi isla markaana la shaqeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Dableyda afduubatay suxufigan ayaa la sheegay inay dabo taagnaayeen dilka nin horey looga dilay jufadooda oo qayb ahaan diyadii lagu xukumay aan la bixin.

Baaqyo kala duwan oo loo jeediyay dableyda afduubka gaystay iyo dedaal dheer kaddib, waxaa xalay lagu guuleystay in la so siidaayo Cabdirisaaq Mire.

Wararka ayaa sheegaya in weriyaha la sii daayey ka dib markii odayaasha beeshiisa ay bixiyeen lacagtii magta aheyd ee laga doonayey, waxaana xarigiisa uu hadal heyn iyo cambaareyn kala kulmay qeybaha bulshada.

Related posts

Musharax Xassan Cali Khayre oo fariin deg deg ah u diray Xildhibaanada labada Aqal

Caydiid Ali

Garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dib loo furayo iyo Masuuliyiin booqatay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo mar kale hawada ka duqeeyey Makelle & Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---