Ciidamada Itoobiya oo mar kale hawada ka duqeeyey Makelle & Khasaare ka dhashay

Dayuuradaha dagaalka Itoobiya ayaa saaka mar kale weeraray magaalada Makelle ee caasimada gobolka tigray sida uu sheegay Tv ay maamulaan jabhadda TPLF.

Waa markii labaad toddobaad gudihiis ee dayuuradaha dagaalka Itoobiya duqeeyaan Magaalada Makelle.

Goobjooge ayaa sheegay in duqeyn hawada ah ay magaalada ka dhacdey abaarihii 10:20 oo barqanmo, iyadoo bartilmaameedka duqeymahaasi ay ahaayeen xarunta laga raaco basaska iyo Enginerriyadda ee Mesfin.

Waxaa adag in si madax bannaan loo caddeeyo faah faahinta ku saabsan duqeyntan, maadaama gobolkani dhanka isgaarsiinta uu uga liito.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen duqeyntan, halka afartan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana warar kale oo khasaaraha intaas ka badinaya.

Dowladda Itoobiya, ayaa isniintii sheegtay iney hawada ka duqeysay goobo ay yaallaan hub iyo war isgaarsiin ay leeyihin dagaalyahanada TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -