Garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dib loo furayo iyo Masuuliyiin booqatay (Sawirro)

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Duraan Axmed Faarax iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay Garoonka diyaaradaha degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Kormeerka Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa ujeedkoodu ahaa sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen garoonka Diyaaradaha Dayniile oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay lana filayo in mudo kadib dib loo howlgaliyo.
 
Wasiirka Gaadiidka oo Warbaahinta kula hadlay gudaha Garoonka Dayniile ayaa sheegay in Kormeerka ujeedkiisu ahaa sidii loo qiimey lahaa in garoonka la howlgaliyo si culeyska badan looga yareeyo Garoonka Aadan cadde.
Waxa uu sheegay Wasiirka in garoonka Dayniile si qurux badan loo diyaariyay kana wanaagsan yahay garoomo badan oo kuyaala dalka, waxa uuna shaaciyay in dib loo howlgalinayo garoonka si ay uga soo degaan diyaaradaha yar yar.
” Garoonka Dayniile runtii waa mid aad u qurxoon oo loo dhameestiray waxyaabaha muhiimka ah ee garoon looga baahan yahay una diyaarsan yahay garoonka in diyaaradaha yar yar kasoo degaan, dib u howlgelinta garoonkan waxa uu wax weyn ka tari karaa sidii cariiriga looga qaadi lahaa garoonka Aadan Cadde” ayuu yiri.
Wasiirka Gaadiidka Xukuumada Soomaaliya ayaana shaaciyay in khubaro qiimeyn ku sameysa usoo diri doonaan garoonka si loo howlgaliyo ugana soo degaan diyaaradaha yar yar si culeeska amni iyo midka cariiri looga qaado garoonka Aadan Cadde.
Garoonka Diyaaradaha Dayniile oo sanado kadib dib loo dhisay ayaa la filayaa in mar kale la howlgaliyo, waxaana garoonkan la qorsheenayaa in ay kasoo degaan diyaaradaha gobolada dalka u safra iyo sidoo kale diyaaradaha jaadka keena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -