Musharax Xassan Cali Khayre oo fariin deg deg ah u diray Xildhibaanada labada Aqal

Musharax Xassan Cali Khayre oo ka mid ah afar musharax oo u soo gudbay wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha ayaa baaq deg deg u diray Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka.

Khayre ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada aqal iney codkooda siiyaan si uu fuliyo balan-qaadyadii uu ku soo galay olalaha doorashada.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO DHIGAY BARTIISA FACEBOOK

Maadaama aan usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha, waxaan ka codsanaya xildhibaannada sharafta leh iney fursad ii siiyaan inaan shaqo abuur u sameeyo 100 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, inaan mushaarka xildhibaannada kordhiyo, inaan deyn cafinta dhameystiro oo aan dalka dhaqaalihiisa kor u qaado, inaan sii wado shaqooyinkii istaagay ee Dowladda, inaan maamul gobaleed  walba hal isbitaal ka dhiso, inaan Al Shabaab soo afjaro iyo inaan dhiso Dowlad ay u dhanyihiin mucaarad iyo muxaafid, kuwaas oo ah dhammaan ballamadii aan ka hor sheegay baarlamaanka.

Waxaan rajeynaya in aad codsigeyga aqbali doontaan.

Mahadsanidiin.

- Advertisement -