Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Madaxweyne Muuse Biixi oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Burco

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu safar shaqo ku gaaray.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo saaka ka ambobaxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay, ayaa markii ay soo gaareen duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Burco waxa kaga hor yimi maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, xubno xukuumadda ka tirsan, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ku lebisan astaanta calanka Somaliland caleemo qoyanna lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo soo dhaweyni.

Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna u gacan haadiyey dadweynihii safafka ugu jirey soo dhaweyntiisa, isaga oo sidoo kalena gacan qaaday madaxdii, masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii soo dhaweyntiisa u taagnaa, waxaana loo sii gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Burco.

Magaalooyinka ay ka mid yihiin Sheekh iyo tuulooyinka kala duwan ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, ayey madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sarraysa ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaannadaas ku dhaqani ka hor intii aanay Burco gaarin.

 

Related posts

Elon Musk oo awaamiir cusub ku soo rogay dadka isticmaala barta Twitterka

Caydiid Ali

Burcad badeed Markab ka afduubtay xeebaha Somalia

Caydiid Ali

Qarax Goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---