(Sawirro) Maxay tahay xarunta casriga ah ee uu xariga ka jaray RW Ku-Xigeenka?

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa xadhigga ka jaray xarunta cusub ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku bogaadiyay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka hawlaha baaxadda leh ee ay qabatay muddada sannadka ah ee ay jirtay iyo sida ay heeganka ugu jiraan inay taakuleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sannadkii hore bishii Ogoosto ayay Xukuumadda Dan-Qaran dib u hawl-gelisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka, si looga badbaado macaluul iyo abaaro baahsan oo dalka markaas ka jiray.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo hawl-wadeennada Hay’adda inay doorkooda ka qaataan dagaallada lagula jiro al-shabaab iyagoo xoogga saaraya dhinacyada xasilinta iyo taageerada dadka ku nool deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab.

- Advertisement -