Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamse oo War ka soo saaray geeridda Abwaan Jaamac Kadiye oo Laascaanod lagu dilay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.

Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay Abwaanka iyo shacabka kaleba in uu ugu deeqo Janatul Fardowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.

Related posts

Aaden Barre Ducaale oo si kulul uga hadlay khilaafka Maamul goboleedyada & dowlada dhexe

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Taliyaha Booliska & Wakiilka QM ee Somalia oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo

Caydiid Ali

Rooble oo laga cabsi qabo in uu ka baxo Garabka Farmaajo lana safto Siyaasiyiinta Beeshiisa !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---