Askar ka tirsan ciidamada Yuhuuda oo dil iyo dhaawac loo geystay (Daawo Sawirro)

Askari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil ayaa lagu dilay weerar ka dhacay daanta galbeedka ee ay maamusho Falastiin.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil G/lle Jonathan ayaa sheegay in hal askari lagaga dilay isgoys ku dhaw deegaannada Yahuudda ee Ariel mid kalena la dhaawacay.

Qof Israa’iili shacab ah ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay kaasoo markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, iyadoo askari kale oo halkaasi ku dhaawacmayna ay xaaladdiisu adag tahay.

Ciidamada Israa’iil ayaa waxay ku raad joogaan shaqsigii weerarkaasi geystay oo gaari ku baxsaday sidii ay u soo qaban lahaayeen, iyadoo la xiray goobta dilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -