(Daawo) Dowlada Somalia oo War ka soo saartay dagaalo ka dhacay Duleedka Galhareeri

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS General Cabdullaahi Cali Caanood oo Caawa Shir jaraaid qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgalo maanta ciidamada XDS ka sameeyeen nawaaxiga degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud

General Cabdullaahi Cali Caanood sheegay in howlgalkaasw ka dhacay Aagga degmada Galhareeri lagu dilay 30 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-shabaab.

“Meesha la yiraahdo Ceel bacad iyo Lix irdood oo Koonfur galbeed kaga toosan Galhareeri waxaa ka dhacay dagaal culus oo saameeyey afar goobood” ayuu yiri Caanood.

Waxaa uu xusay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay sidoo kale gaari nooca dagaalka ah kan gubeen Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa xusay in ciidamada dowlada uu howlgalkaas kaga dhintay hal askari labo kalena looga dhaawacay, wuxuuna xusay in howlgalada ay ka socdaan dhowr jiho saacadaha oo socdana Al-shabaab laga saarayo guud ahaan bariga gobolka Galgaduud.

HOOS KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA.

- Advertisement -