Israaiil oo ka hor timid qorshe xasaasi ah oo uu damacsanaa Sacuudiga

Maamulka Israa’iil ayaa diiday in xafiis dublamaasiyadeed uu magaalada Quddus ku yeesho ergayga cusub ee Sucuudiga u qaabilsan Falastiiniyiinta.

Talaabadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Washington ay isku dayayso inay xiriir rasmi ah ka dhex abuurto Israa’iil iyo Sacuudiga.

Safiirka Sacuudiga u fadhiya Urdun Nayef Al-Sudairi ayaa Sabtidii kordhiyay meelaha uu ka shaqeyn doono oo ay ku jiri doonto inuu noqonayo ergay qaabilsan Falastiiniyiinta.

Qoraal ay baraha bulshada soo dhigtay safaarada Sacuudiga ee Cammaan ayey ku sheegtay in Qunsulka guud ee Quddus ay hadda qeyb ka tahay waajibaadka Al-Sudairi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil Eli Cohen oo la hadlay idaacad ku taalla Tel Aviv ayaa sheegay in Al-Sudairi uu noqon karo ergay la kulma wakiilada maamulka Falastiin. Laakin waxa uu sheegay in aysan u oggolaan doonin in ay Sacuudigu furtaan xafiis dublumaasiyadeed oo ku yaalla Quddus.

Israa’iil ayaa u aqoonsan Quddus in ay tahay caasimaddeeda taasi oo uu sidoo kale 2017-kii aqqoonsatay dowladda Mareykanka, laakin aysan aqqoonsan awoodaha kale ee waaweyn ee dunida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -