Allbanaadir.com
NEWS

Nin dil ka geestay Muqdisho oo Kismaayo laga soo qabtay iyo Booliiska oo soo bandhigay

Taliska ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigtay nin lagu eedeeyay in qof shacab ah ku dilay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaa oo dilka kaddib u baxsaday magaalada Kismaayo.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan meel ku dhaw carwada Al Kowthar 4-tii bishan ku dilay qof shacab ah, waxaana ninkan gacanta ciidanka booliiska lagu soo wareejiyay maanta oo ah 13-ka bisha 8-aad.

Booliiska ayaa sheegay in xog ay heleen ku ogaadeen in gacan ku dhiiglaha uu joogo Kismaayo, waxa ayna xuseen in wada shaqeyn ay la sameeyeen booliiska Ksmaayo suurtogalisay in lasoo qabto eedeysanaha.

Ninkan dilka ku eedeysan ayaa hadda ku xiran saldhigga booliiska degmada Hodan, waxa ayna taliska booliiska sheegeen in loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh si caddaaladda loo horgeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo balan-qaad u sameeyey dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu salka ku hayaa dagaalkii maanta ka dhacay Dhuusamareeb? (Warar kale)

admin

Abiy Axmed oo Shaaciyay sida kaliya Itoobiya uga bixi karto Khatarta hada ka jirta .

Cabdi Cade
Taboola Ads ---