Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo kusoo wajahan Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Dowlada Uganda ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aadan Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo kamid noqonaya booliiska AMISOM ee howlgalka u jooga qeybo kamid ah gobolada Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ee dowlada Uganda usoo direyso Soomaaliya ayaa gaaraya 160-askari, waxaana ciidankan loo soo xiray tababar mudo sanad ah ay ku qaadanayeen  Dugsiga Tababarka Booliiska ee Kabalye.

Taliye ku-xigeenka Booliiska dalka Uganda, Jeneral Sabniti Muzeeyi  oo ciidamadan cusun ee loo soo dirayo Soomaaliya la hadlay ayaa ku booriyay in ay noqdaan ciidamo asluub leh oo kasoo baxa waajibaadka loo igmaday.

Ciidamadan cusub ee dowlada Uganda usoo direyso Soomaaliya ayaa qeyb ka noqonaya booliiska AMISOM, waxa ayna ciidamadan ka caawin doonaan booliiska Soomaaliya dhinaca tababarada iyo sidoo kale howlgalada amaanka lagu sugayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muddo xileedkii labada Aqal ee Baarlamanka Somalia oo maanta dhamaaday

Caydiid Ali

Laftgareen oo hal arrin uga mahad celiyey Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha DF

admin

Al-Shabaab oo baahisay magacyada Saraakiil ay sheegtay iney ku dileen qaraxii X/Weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---