Xil ka qaadis lagu sameeyay Cumar Cabdulaahi Faraweyne (Akhriso Digreeto)

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa digreeto uu soo saaray waxa uu xilka uga qaaday Gudoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne .

Digreetada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal waxaa loogu magacaabay Cabdi Salaan Xasan Xirsi oo loo yaqaan (Gujir)

Halkan ka Akhriso Digreetada xil ka qaadista

 

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha  Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -