Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Labo kamid Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha shacabka oo la dilay

Kooxo hubeesan ayaa maanta siyaabo kala duwan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ugu dileen labo kamid ah ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sida aan wararka ku heleyno dhalinyaro hubeesan oo biskoolado watay ayaa xaafada Ceel Qode ee degmada Afgooye waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Koox hubeesan ayaa sidoo kale  isla maanta degmada Afgooye waxa ku dileen Haweeney iyana kamid aheyd ergadii soo dooratay Xildhibaanada golaha shacabka , waxaana labadan ergo ee la dilay kamid ahaayeen ergooyinkii Xildhibaanada kusoo doortay Koonfur Galbeed.

Ciidamada amaanka ayaa dilalka kadib sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana la sheegay in ay baxsadeen ragii hubeesnaa ee siyaabaha kala duwan dilalka uga geestay degmada Afgooye.

Qaar badan oo kamid ah ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa la dilay, waxaana ergooyinka la dilay u badan yihiin kuwii Xildhibaanada kusoo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaaraha Somalia oo la kulmay danjire Maxamed Albaaz (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Rajoelina oo ka murugooday shacab careesan oo ciidamada booliiska toogteen

Cabdi Cade

(Sawirro) Dowladaha Somalia iyo China oo ka wada hadlay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---