Shiinaha oo Markab Isbitaal ah u diray Wadan uu qalalaase ka jiro (Daawo Sawirada)

Dowlada Shiinaha ayaa Markab Isbitaal ahaan u qalabeesan u dirtay dalka Venezuela oo xiligan uu ka jiro qalalaase siyaasadeed, waxaa sidoo kale dalkaasi ka jira xaalad bini’aadanimo.

Markabkan Isbitaalka ah ayaa loogu tala galay in mudo isbuuc ah bukaanada loogu sameeyo daaweyn lacag la’aan , waxaana ka faa’iideesanaya isbitaalkan bukaano badan oo xaalad adag ku jira.

Wasiirka gaashaandhigga ee dalka Venezuela ayaa soo dhaweeyay Markabkan kusoo xirtay Dekadda La Guaira, waxa uuna Wasiirka uga mahad celiyay dowlada Shiinaha Markabkan Isbitaalka ah uu dalkooda usoo diray.

Madaxweynaha dalka Venezula Nicolás Maduro, ayaa isbuucii la soo dhaafay booqasho ku tagay magaalada Beijing, waxa uuna dowlada Shiinaha kala soo hadlay sidii ay u caawin laheyd dowladiisa oo xaalad adag wajaheysa.

Dalka Venezuela ayaa waxaa ka taagan xaalad adag oo dhinaca aadanimada iyo khalalaase siyaasadeed, waxaana dalkaasi ka go’ay  raashinka iyo daawooyinka, waxaana gabi ahaanba burburay hanaankii adeeg ee shacabka dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -