Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hoos u dhac laga dareemayo xaaladaha cudurka COVID-19 ee gudaha Somalia

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 70 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 41 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (39) Puntland (17) Jubbaland (7) gobalka Banaadir (5) iyo Koonfur Galbeed (2) qof, 47 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 23-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 11,978 waxaa bogsootay 5,058 Ruux. guud ahaan 576 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo amartay in la joojiyo Dood loo qaban lahaa Musharaxiinta Madaxweynaha

Cabdi Cade

Tirada geerida Yuhuuda oo dhaaftay 600 iyo Warbixinadii u dambeeyey (Sawirro cusub)

Caydiid Ali

Ciidamo huwan ah oo goordhaw Al Shabaab kala wareegay Deegaanka Qaayib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---