Allbanaadir.com
NEWS

Goob ay gantaalo ku xirtay Mossad oo laga helay gudaha Iran (Sawirro)

Sirdoonka Iran, ayaa horraantii maanta shaaca ka qaaday in la helay goobo badan oo laga rido gantaallo nooca Spike ah oo si qarsoodi ah loogu dhex rakibay gudaha dalka Iran, kuwaasoo ay gudaha Iran ku diyaariyeen  xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Arrintan ayaa si weyn u gilgishay amniga gudaha Iran, kaddib markii la ogaadey in gantaalladan la maamulo iyada oo cidna aanay joogin goobta ay yaalaan, balse si fog looga hago iyadoo la adeegsanayo internet-ka. Gantaalladan casriga ah ayaa si gaar ah loogu talagalay in aysan u baahnayn in qof si toos ah ugu dhowyahay marka la hawlgalinayo.

Mossad ayaa la sheegay in ay gudaha Iran ka hirgelisay xarumo fogaan laga toogto, iyadoo gantaalladan la geliyay meelo aan laga filaynin, kadibna lagu xiray nidaamyo iswada oo si toos ah uga shaqeeya meel fog.

Gantaalkan, oo loo yaqaan Spike NLOS (Non-Line of Sight), wuxuu leeyahay awood uu ku gaaro bartilmaameed 50 km u jira, wuxuuna leeyahay kamera muuqaal toos ah soo diraya isla waqtigaa bartilmaameedka lagu beegsanayo, taasoo u sahlaysa inuu si sax ah u garaaco bartilmaameedyo qarsoon, sida:

  • Raadaarada difaaca cirka
  • Meelaha laga rido gantaallada
  • Gawaarida hubka sida
  • Fulinta howlgallo lagu beegsanayo saraakiil

Gantaalladan waxaa sida caadiga ah lagu hago qalab lagu magacaabo CLU (Command & Launch Unit) oo lagu rakibo saddex lugood, lehna dareemaha kuleylka jirka. Laakiin Mossad waxay qalabkii hagayay u wareejisay xarun dhexe oo ka foog goobta la dhigay gantaalka, taasoo laga yaabo inay ku taallo gudaha Israa’iil, si ay u toogtaan una hagaan gantaallada iyada oo aan cidna joogin gudaha Iran.

Wararka ay baahiyeen ilo amni oo Iran ah waxay sheegayaan in gantaalladan si gaar ah loogu talagalay in lagu burburiyo nidaamyada difaaca cirka, iyagoo xaddidaya awoodda Iran ay ku difaacan karto hawadeeda, taasoo laga yaabo in ay dhabbaha u xaarto duqeymo ballaaran oo Israa’iil ay qorsheynayso.

Dadka falanqeeya arrimaha amniga gobolka ayaa sheegaya in tan ay noqon karto tallaabadii ugu weynayd ee sirdoon shisheeye uu gudaha Iran ka fuliyo tan iyo weerarkii lagu dilay saynisyahanada nukliyeerka sanadihii hore.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

R/W Rooble oo kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay yihiin xubnaha lagu hor dhaariyey Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---