Weerar lagu dilay 60-qof oo ka dhacay Tiyaatar kuyaalla Ruushka iyo koox sheegatay masuuliyada

Koox hubeysan ayaa weerar dhiig badan ku daatay ku qaaday goob tiyaatar ah oo ka socotay riwaayad oo kutaalla magaalada Crocus , oo aad ugu dhaw magaalada Moskow ee caasimadda dalka Ruushka.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warantay in shan nin oo xirnaa darees ciidan kuna hubeysnaa qoryo iyo bambaanooyin ay weerareen tiyaatarka , waxaana halkaasi laga maqlay rasaas culus iyo qaraxyo bambaano.

Inta la xaqiijiyay weerarka waxaa lagu dilay dad ka badan 60-qof, halka lagu dhaawacay dad iyana ka badan 140-qof, qaar badan oo kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay qabaan dhaawacyo aad u culus.

Kooxda Islaamiga ee Daacish ayaa durba si deg deg au sheegatay masuuliyada weerarkan dhiiga badan ku daatay ee xalay ka dhacay dalka Ruushka, waxa ayna Daacish sheegtay in weerarkaasi u dhacay sidii loo qorsheeyay laguna dilay dad badan.

Madaxda sare ee dowladda Ruushka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan dhacay ay ku tilmaameen mid argagaxiso, waxa ayna ciidamada ammaanka amreen in ammaanka la adkeeyo baaris deg deg ahna lagu sameeyo weerarka.

Weerarkan ka dhacay dalka Ruushka ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee muddooyinkan ka dhaca dalkaasi, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli Ruushka uu ka nastay weeraradii kooxaha Islaamiyiinta kuna mashquulsanaa dagaalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -