Madaxweynihii hore ee Somalia oo si adag uga hadlay dil fool xun oo ka dhacay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay dilalkii kala duwanaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan dilkii foosha xumaa ee Xaafada Towfiiq loogu geestay Axmed Dowlo .

Sheekh Shariif ayaa tacsi u diray ehelada dadkii kala duwanaa ee siyaabaha kala duwan loogu dilay Muqdisho, waxa uuna xusay in uu aad uga xun yahay dilalka foosha xun ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in ay aheyd dhacdo aad looga argagaxo dilkii Axmed Dowlo loo geestay ee salka ku hayay isir naceyb, waxa uuna xusay in uusan jirin qof ka fiican qof kale uuna yahay ficil xun jinsi naceybka.

”Waxaan rabaa inaan si gaar ah u dul istaago dhacdadii Towfiiq, dhaqankaas waa mid aad u xun, waan cambaareyneynaa waa fal aad u fool xun, ma jiro qof qof ka fiican ilaa cabsida Alle ma ahanee, guur in dad loo dilo waa arrin fool xun, ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa in ay meel uga soo wada jeestaan arrintaas”. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dilkii foosha xumaa ee dhawaan Xaafada Towfiiq loogu geestay Axmed Dowlo oo ahaa aabe ka tagay 12-caruur ah ayaa si kulul loo cambaareeyay, waxaana dilkan  uu salka ku hayay muran ka dhashay guur dhax maray lamaane is doortay.

 

- Advertisement -