Allbanaadir.com
NEWS

War Deg Deg Ah: Shirkada DP World oo dalka laga mamnuucay (Akhriso Xeerka Loo Maray)

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw meel mariyay xeer dalka looga mamnuucayay Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka , shirkadan ayaana  ku xad gudubtay jiritaanka Qaranka Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka Federaalka waxaa soo xaadiray 170-Xildhibaan waxaana xeerkan dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ansixiyay 168-Xildhibaan , waxaana diiday hal xildhibaan, waxaa sidoo kale ka aamusay xal Xildhibaan oo kale.

Xeerkan dalka looga mamnuucay Shirkada DP World ayaa loogu magac daray ”Xeerka Dhowrida Gobonimada iyo Midnimada Gayyiga Soomaaliya ” waxa uuna xeerkan ka kooban yahay dhoor qodob oo xasaasi ah.

Sida ku cad xeerkan Shirkada DP World ayaa ku xad gudubtay Siyaasada ,Madax banaanida iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliya, waxaana xeerkan Baarlamaanka  meel mariyeen uu yahay mid gabi ahaan shirkadan dalka looga mamnuucayo.

Xeerkan ayaa cadeenaya in heshiis kasta oo caalami ah ay gali karto Xukuumada Federaalka Soomaaliya isla markaana lasoo marsiinayo heshiiskaasi Baarlamaanka si ay u meel mariyaan.

Xeerkan goordhaw meel mariyaan Baarlamaanka Fedrraalka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo si uu xeer Madaxweyne  isna ugu meel mariyo.

Akhriso Xeerka Looga Mamnuucay

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Somalia waa meesha kaliya ee qofkii ku dila uu geeridaada ka tacsiyadeynayo”

Caydiid Ali

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Qeybtii ugu dambeysay Ciidamada Maraykanka oo ka baxaya Afghanistan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---