Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo kasoo jawaabay Baaqii Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayaa soo dhaweeyay shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka Madaxda Galmudug.

Qoraal uu soo saaray Maxamed Cabdi Xaashi Carabey ayuu ku eedeeyay Madaxweynaha Galmudug Xaaf in uu ka dambeeyay khilaafka ka dhax aloosan Madaxda maamulkaasi ee hada ku kala sugan Cadaado iyo Dhuuso Mareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday Madaxda maamulka Galmudug ee is khilaafsan in ay yimaadaan magaalada Muqdisho oo lagu qabanayo shir laga dhax dhaxaadinayo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Carabey

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -