Ciidamada Itoobiya oo magaalooyin cusub kala wareegay xoogaga Tigrey iyo dagaalka oo ..

Ciidamada federaalka Itoobiya ee dagaalka kula jira xoogaga sida weyn u hubeesan ee Tigrey ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaalo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalooyin kuyaala gobolka Tigrey.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo xoogaga Tigrey ayaa sii xoogeesanaya kuna sii fidaya magaalooyin hor leh, waxaan dagaalka laga cabsi qabaa in uu gaaro magaalooyin ay aad ugu xoogan yihiin Tigrey.

War kasoo baxay milatariga federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in ciidamadooda la wareegeen magaalooyinka Aksum iyo Adwa , waxa ayna milatariga sheegeen in ciidamadii dagaalka kula jiray ay is dhiibeen.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijiyay sheegashada dowlada federaalka Itoobiya ee ku aadan magaalooyinkan ciidamadooda la wareegeen, waxaana wali gobolka Tigrey ka maqan adeega isgaarsiinta iyo Internetka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -