Nin Caado ka dhigtay in uu xado dharka loo xiro caruusada iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa

Nin 50-sano jir oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa caado ka dhigtay in uu xado dharka loo xiro haweenka arooska ah, waxaana ninkan xiliyo kala duwan dukaaman ka xaday dharka ay xirtaan Haweenka la guursanayo.

Booliiska Shangahai ee dalka Shiinaha ayaa xiray ninkan caadada ka dhigtay in uu xado dharka caruusada, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu xaday ku dhawaad 100- darees oo kuwa caruusada ah.

Dukaan lagu iibiyo dharka caruusyada ayaa booliiska u gudbiyay dacwad la xariirta in mar walbo laga xado dharka ay xirtaan haweenka caruuska ah, waxaana baaritaano la sameeyay lagu aqoonsaday ninkan caadada ka dhigtay in dharkaasi xado.

Ninkan 50-sabo jirka ah oo xaas hore soo furay ayaa mar la weediiyay waxa ku kalifay in dharka dumarka arooska ah xirtaan uu xado ayuu sheegay in uu doonayo in uu is dareensiiyo in mar labaad uu guursanayo.

Waxa uu sheegay ninkan in uusan damacsaneyn in uu sameeyo fal xatooyo ah , balse arintan uu u sameenayay in uu is dareensiiyo in uu mar labaad guursanayo si uu farxad isku dareensiiyo.

Baaritaano booliiska ku sameeyeen guriga uu ninkan ku noolaa ayey kasoo heleen 73-shey oo dharka arooska gaar ahaan kuwa dumarka xirtaan, waxaama dharkan uu xaday ninkan lagu qiimeeyay lacag ku dhaw 10-kun oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -