Macbad ay leeyihiin Hinduuga oo laga dhisay Magaalada Dubai iyo caro ka dhalatay

Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga furay Macbadkii ugu horeeyey ee ay leeyihiin dadka aaminsan diinta hinduuga, iyadoo Hinduugu ay Muslimiinta Hindiya ku’hayaan dil ,dhac iyo barakicin Joogto ah .

Warbixin ay soo saartay safaaradda India ayaa lagu sheegay in furitaanka macbadka uu ka soo qayb galay wasiirka iscafinta iyo wada noolaanshaha ee dawladda imaaraadka Sheikh Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, Hindiya ayaana uga mahad celisey UAE sida ay u taageertay dadka haysta diinta hinduuga.

Furitaanka Macbadka hinduuga ee imaaraatka carabta waxaa ka dhashay caro-weyn oo ay muslimiintu ku’dhaliileen dawladda Imaaraatka carabta inaysan wax damqasho u muujinayn Muslimiinta hindiya dhibaatada lagu hayo .

Daaciga Maxamed Al-Saghir oo arintan ka hadlay talaabada Imaaraadka ku tilmaamay wax laga xumaado.

“Xilligan oo ay muslimiinta hindiya ku’jiraan xaalad adag  oo maalin kasta lagu hayo dil, barakicin iyo guryahoodii iyo masaajid-yadoodii oo la’gubayo Imaaraatka carabtu waxay ka fureen dubai Macbadkii hinduu ee ugu horeeyey ee laga hirgeliyo dunida carabta oo ay ku’baxday dhismihiisa 16 milyan oo doolar.

Macbadkan ayaa ku’fadhiya dhul dhan 2,300 oo mitir oo laba jibbaaran, iyadoo arrintan ay dad badan ku tilmameen in loogu talagalay in lagu Jees-jeeso muslimiinta.

- Advertisement -