Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) AMISOM oo balan-qaad Muhiim ah u sameysay Madaxweyne Qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Kulanka ayaa looga wada hadlay amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo sidii AMISOM gacan uga geysan laheyd howlaha suggidda amniga ee ka socda deegaanada Galmudug.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira ayaa balan-qaaday in AMISOM ay gacan ka geysaneyso sugida amaanka doorashooyinka Galmudug.

Danjire Francisco Madeira ayaa ku amaanay maamulka Galmudug iyo maamulada kale ee dalka dedaalka ay ugu jiraan qabsoomida doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal hor leh oo dalkooda ka mamnuucay Duulimaadka Diyaaradaha Boeing 737 Max 8

Cabdi Cade

Qarax laga maqlay magaalada Kabul xili Madaxweyne Biden Digniin soo saaray

Cabdi Cade

Sarkaal Boolis ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---