Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal Cusub oo cabsi ku beeray Mareykanka iyo xulufadiisa

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa wali ku mashquulsan in ay horumariyaan gantaalada baalistik ah, si ay isaga difaacaan dowlada Mareykanka iyo dowladaha xulufada la ah sida Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal baalistik ah oo laga tuuray marka nuuca gujiska , waxaana tijaabadan la sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay ku dooneyso in ay si dag dag ah u howlgeliso gujisyada xambaaro gantaallada.

Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ayaana xaqiijiyay tijaabadan cusub ee lagu sameeyay Gantaalka laga tuuray Gujiska, waxa ayna sheegeen Warbaahinta in gantaalkan laga tuuray gujis yaalla xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Dowlada Mareykanka ayaana ugu baaqday Kuuriyada Wqaooyi in ay joojiso daan daansiga ay wado iyo tijaabooyinka gantaalada ay sameenayaan, Kuuriyada Waqooyi ayaana horey ugu ganacseertay baaqa Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -