Taliska Danab ee Puntland oo shaaciyey iney burburtay xabad joojintii Garowe

Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab ayaa sheegay iney burburtay xabad joojintii Garowe ee u dhexeysay maamulka Deni iyo  ciidamada Mucaaradka

Hoggaanka taliska Danab oo ay is’hayaan Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday furista dastuurka.

“Taliska wuxuu bulshada Puntland la wadaagayaa in uu ku taagan yahay mowqifkiisii uu kaga soo horjeeday ku xadgudubka dastuurka iyo qawaaniinta Puntland, sidaa la wada socoteen 25-kii July baarlamaanka oo fulinaya rabitaanka madaxweyne Deni wuxuu sifo aan sharciga waafaqsanayn wax uga badalay dastuurka,” ayaa lagu yiri War saxaaafadeed ka soo baxay taliska Danab ee Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -