Lix dal oo go’aano ka soo saaray shir xasaasi ah oo looga hadlay arrimaha Somalia

Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada.

Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda ee ay wadaan abaarihii ugu xumaa ee Soomaaliya soo mara. Waxay soo dhaweeyeen taageerada ay weheliyaan jilayaasha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato jahawareerka cimilada mustaqbalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda.

Waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan ka shaqeynta arrimahan, dibna isugu yimaadaan magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bilood ee soo socota, si ay uga wada-hadlaan wada-hadallada socda iyo inay qiimeeyaan horumarka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -