War-murtiyeed 10 qodob ka kooban oo kasoo baxay Shir Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

War-murtiyeed ka soo baxay shirkii 2 aad ee madasha horumarinta bariga Africa
Xarunta cilmibaarista iyo horumarinta bariga afrika ee “DAD” oo kaashanaysa Jaamacadaha kala ah; Banaadir, Hormuud iyo Muqdisho, ayaa 22- 23 Luulyo 2023 magaalada Muqdisho markii labaad ku qabtay
shir halkudhegiisu yahay; “Dawlad-dhiska Soomaaliya Casharradii Shalay iyo Tilmaamaha Mustaqbalka”.

Shirka waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin, aqoonyahan iyo cilmibaarayaal ku xeeldheer arimaha Soomaliya, waxaana lagu soo bandhigay cilmi baarisyo laga sameeyay dawlad-dhiska Soomaaliya, sidoo la qabtay fadhiyo iyo dodo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Hey’adda Cilmibaarista iyo Horumarinta Bariga Afrika waxay soo saari doontaa buug lagu soo uruuriyay cilmibaarisyadii iyo doodihii lagu soo bandhigay shirka, hasa yeeshee waxaan si hordhac ah ula wadaageynaa bulshada war-murtiyeedkan qodobadiisu hoos ku qoran yahay:

Dowlad-dhiska Soomaaliya

1. Si dowlad-dhiska Soomaaliya taabagal u noqdo waa in la kobciyaa lana tayeeyaa hay’adaha laf dhabarka u ah dowlanimada.

2. Dowladnimada Soomaaliya waa inay ku dhisantahay mabaadi’ ay kamid yihiin, wadalahaansho, hayb qarannimo,cadaalad, matalaad, dhawridda xuquuqda asaasiga ah, iyo xoojinta wada noolaanshaha iyo is ixtiraam bulsho.

3. Waa in dowladnimada Soomaaliya ay ku dhisnaataa waxyaabaha asaaska u ah jiritaanka umadda soomaaliyeed ee ah diinta islaamka, dhaqanka suuban, lana tixgaliyaa qaab-dhismeedka bulshada.

4. Waa in la taabba galiyo adeeg waxbarasho iyo caafimaad baahsan oo tayo leh, ayna iska kaashadaan; dawladda, ganacsatada, bulshada, iyo hay’adaha aan dawliga ahayn.
Miisaaniyadda kubaxaysa waxbarshada iyo caafimaadka waa in loo arko maalgashi ee aan loo arag kharash.

5. Waa in Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baaristu ay xoojiyaan dadaaladooda cilmibaariseed ee lagu furdaaminayo mashaakilka haysta dawladnimada Soomaaliya.

6. Waa in laga shaqeeyaa kobcinta dhaqaalaha lana abuuraa deegaan ku habboon oo dhiirigelinaya maalgashi ka yimaadda gudaha iyo dibaddaba.

7. Waa in la kobciyaa deganaashaha siyaasadeed lagana fogaado waxkasta oo sababi kara deganaansho la,aan siyaasadeed.
8. Waa in ladabar gooyaa musuqmaasuqa heer kasta uu yahay.

9. Waa in laga shaqeeyaa lana dadajiyaa hirgalinta nidaamka xisbiyada badan.

10. Waa in laga shaqeeyaa ilaalinta deegaanka lana dagaalamaa xaalufinta dhirta.

- Advertisement -