Ciidamada DF & kuwa Maraykanka oo howlgal ku dilay sarkaal ka tirsana Al-Shabaab

Howlgal ballaran oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaanka Kuunya Barrow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab, Sida ay Wakaaladda ararka SONNA ay u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalkaasi.

Bartilmaameedka howlgalkaasi oo ay sida wadajirka ah u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka ayaa ahaa saraakiisha ka tirsan.

Warqoraal ah oo laga soo saaray howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysnaa ayaa lagu sheegay in aanay jiriin waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah mudadii uu socday balse khasaare lagu gaarsiiyay Alshabaab.

“Waxaa lagu khaarijiyay howlgalkaasi horjooge ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, tani ayaa hoos u dhigaysa awoodii argagixisada,iyo weeraradii ay ka soo maleegayeen deegaanka Kuunya Barrow iyo nawaaxigiisa,waxaana xaqiijinaynaa in aanay jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah”. Sidaasina waxaa sheegay saraakiisha ciidamada howlgalkaasi hoggaaminaysay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgalada dalka looga ee al- Shabaab, taasoo keentay inay ka baxaan degaano badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -