(Sawirro) Rooble oo ka hadlay qodobo xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka guddoomay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda ku aadan xal u helida arrinta Gobolka Gedo.

Guddigan oo ka koobnaa afar Wasiir Dowlad Goboleed ka socday Hirshabelle, Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo safaro ku tagay Garbahaarey iyo Kismaayo.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay in uusan xilka madaxweynaha u tartameyn, balse uu doonayo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Rooble ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad uu ku qaabilay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo galabta ku wareejiyay warbixinta wixii ay kala kulmeen Garbahaareey iyo Kismaayo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan halkan uga xaqiijinayaa in maanta ay harsan tahay oo keliya in madaxweyne Axmed Madoobe uu wareegto ku soo saaro maamulka degmada Garbahaareey oo magacyadii la ii soo gudbiyay, anna uu u gudbin doono madaxweynaha,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay arrinta doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi, isagoo sheegay in wadatashiyo uu la leeyahay guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisal wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed.

Labadan arrimood ayaa kamid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagnaa qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Rooble ayaa sheegay muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq dastuuri ah u leeyihiin iney u safraan meeshii ay doonaan,

“Muwaadinka Musharaxa ah xaq buu u leeyahay inuu u safro magaaladuu rabo oo la dhawro fikirkiisa,warar baa isoo gaaray in dad la celiyey ciddii ay ku caddaato ama celisa Tillaabo cad oo Sharciga waafaqsan ayaan ka qaadayaa anigoo shacabka Kaashana, Isu socodka muwaadiniinta  iyo diyaaradaha tagaya ama ka imaanaya Gedo, Guud ahaan Jubaland iyo dalka oo dhan lama xayiri karo, waana xaq dustuuri ah.” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Rooble ayaa ku booriyey madaxda dowlad goboleedyada qaarkood iyo guddiyada doorashooyinka iney ku laabtaan degaan doorashooyinkooda.

“Waxaa la joogaa xilligii siyaasiyiinta iyo dadka u tartamaya kuraasta aqallada baarlamaamku aadi lahaayeen deegaan doorashooyinkooda, Waxaan rajeynayaa in ay noo qabsoonto doorasho nabdoon, daahfuran oo aan cidna la dulmin” ayuu yiri Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -