Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin oo balan-qaad culus u sameeyey dalal ay ku jirto Soomaaliya

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay sida uu doonayo inuu bilaash ugu diro Qamadi lix waddan oo Afrikaan ah.

Putin ayaa sidaas ka sheegay kulankii Ruushka iyo dalalka Afrika ah ee ka dhacay magaalada St Petersburg.

Madaxweyne Putin ayaa xusay in dhowrka bilood ee soo socda ay bilaabi doonaan inay diraan haruur ama qamadi bilaash ah.

Balanqaadkan ayaa yimid kadib markii Ruushka uu ka baxay heshiiskii Ukraine ay kaga qeyb qaadan laheyd Q/Midoobay.

Putin ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu buuxiyo kaalinta qamadigii Ukraine u dhoofin jirtay Afrika

Waxa uu sheegay oo uu intaa ku daray in Ruushku uu diyaar u yahay in uu sahayda haruurka ah gaarsiiyo lix waddan oo Afrikaan ah saddexda ilaa afarta bilood ee soo socota.

“Saddexda ilaa afarta bilood ee soo socda, Ruushku waxa uu dal kasta u diri doonaa 25,000 ilaa 50,000 oo tan oo haruur ah” ayuu yiri Putin.

Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Central Africa, iyo Eritrea ayaa noqonaya dalalka heli doona qamadiga bilaashka ah ee Ruushka.

Related posts

Booliska DF oo ka hadlay haweeney gabar todoba jir ah dil ugu geysatay Muqdisho

Caydiid Ali

Somaliland oo qoraal xasaasi ah kasoo saartay Caqabadaha ka heesta maamulka hawada

Cabdi Cade

Qarax kale oo maanta Muqdisho ka dhacay iyo Xildhibaan ku dhaawacmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---