Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Hub Casri ah iyo Diyaarado Dagaal ka iibinaya labo Dal oo Carab ah

Dowlada Mareykanka ayaa hub casri iyo diyaarado dagaal gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca ka iibineysa dowladaha Sacuudiga iyo Kuwait oo kamid ah xulufada xiriirka dhaw la leh Xukuumada Washigton.

Dowlada Kuwait ayaa dooneysa in shirkadaha hubka sameeya ee dowlada Mareykanka ka iibsato gantaalada casriga ah ee loo yaqaan Patriot iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca nuuca dagaalka ee loo yaqaan Apache.

Heshiiska dowlada kuwait iyo shirakadaha hubka ee Mareykanka  ayaa la sheegay inay ku bixi doonto in ka badan $4.3 bilyan oo dollar ayaa waxaa kamid ah qalabka dayactirka ee diyaaradaha iyo hubka horey looga iibiyey dalkaasi.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixisay heshiis cusub oo dowlada Sacuudiga looga iibinayo hub casri ah ay ku jiraan gantaalo, waxaana gantaaladan ku jira 3 kun oo ah kuwa diyaaradaha isticmaalaan ee lagu duqeyn karo goobaha fog.

Xukuumada Washigton ayaa dhaqaalo badan ka hesha hubka ay ka iibiso dowladaha xiriirka dhaw la leh gaar ahaan dowladaha Carbeed, waxaana Mareykanka hubka casriga ka iibiyaa dowlado badan oo kuyaala Baraiga Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Federaalka oo 6 Milyan Dollar oo Deeq ah u fasaxday Maamul goboleedyada (Akhriso)

Cabdi Cade

Khilaaf culus oo mar kale ka dhex dilaacay Qaramada Midobay iyo Israa’iil

Caydiid Ali

Shirkadda DIGNITAS oo soo saartay qalab yaab leh iyo muran ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---