Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Soomaaliya oo helay Diyaarado iyo hub culus ay ku dagaal galaan

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay heleen hub culus iyo diyaarado ay u adeegsanayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab , waxaana hubkan la filayaa in ciidanka u horseedo guulo.

Xuseen Sheekh Cali lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka xoogga dalka ay heleen diyaarado iyo hub culus ay dhawwaan u adeegsan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab .

lataliyaha Amniga Qaranka ee madaxeynaha oo wareysi siiyay idaacada VOA ayaa sheegay in hubka ay heleen ciidanka ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca, hoobiyeyaal iyo hubka lidka diyaaradaha loo adeegsado ee loo yaqaan Zuu-ga.

Waxa uu sheegay Xuseen Sheekh Cali in hubkan culus ay adeegsan doonaan ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa lasoo tababaray, waxa uuna rejo ka muujiyay in ciidanka guulo ka gaari doonaan howlgalka dhawwaan la filayo in uu bilowdo.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in ay ku jiraan diyaar garow dagaal, ciidankan ayaana la sheegay in ay heleen diyaarado dagaalka ka caawiya iyo hub kale oo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Zidane oo si lama filaan ah uga Tagay shaqadii Real Madrid (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & dhigiisa Shiikh Khalid Bin Khalifa Aala Thani?

Caydiid Ali

Dil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Hyderabad & Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---