Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & dhigiisa Shiikh Khalid Bin Khalifa Aala Thani?

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo dhigiisa dalka Qatar Shiikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Thani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal kooban soo saray ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka.

Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso inay saameyn ku yeelato, iyadoo loolan kula jirta dowlada Imaaraadka iyo dowlado kale.

Qatar ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyay ee sanadkii 2007 ka dhacay Soomaaliya ku la hayd saameyn badan oo keentay iney ku soo baxaan madaxda waqtigu ka dhamaaday ee DF oo illaa xiligaas ay taageero siineysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Taliye Ciidan iyo Guddoomiye hore oo qarax lagu dilay iyo Madaxweyne ka hadlay

Cabdi Cade

Laftagareen oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka sare, kana reebay.. (Akhriso)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan ku dhaw Dhuusomareeb bur burina geesatay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---