Dil argagax leh oo ka dhacay Magaalada Hyderabad & Warbaahinta oo hadal heysa (Daawo sawirro)

Saraakiisha Booliska Magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya ayaa sheegay inay xireen nin ka dib markii ay dhimatay gabar uu dab qabadsiiyay ka dib muran guur o dhexmaray.

Sandhya Rani oo 25 jir ah ayaa u sii socotay gurigeeda marka la weeraray Khamiistii ka dib markii ay ka rawaxday goobteeda shaqada.

Dadweyne ayaa si degdeg ah ugu gurmaday balse Rani waxay geeriyootay iyada oo wali isbitaalka loo sii wado.

Karthik Vanga oo 28 jir ah oo ay horay isku shirkad uga soo wada shaqeeyeen gabadhan ayaa lagu eedeeyay falkaas.

Khamiistii ayaa la arkay iyagoo murmaya ka dibna caagad gaas ah oo uu la soo baxay ayuu ku shubay dibna dab ayuu qabadsiiyay, sida ay booliisku ku eedeeyeen.

Vanga ayaa la sheegay in uu muddo labo sano ah guur u soo bandhigayay Rani, balse ay si joogto ah u diidi jirtay taasoo loo malaynayo iney tahay sababta uu nafteeda u dhaafiyey.

Tacadiyada ka dhanka ah dumarka Hindiya ayaa sare u kacday tan iyo sanadkii 2012kii ka dib markii ay burcad kufsadeen ka dibna dileen gabadh ardayad ah oo bas saarnayd, waxayna taasi horseeday in la sameeyo shuruuc adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -