Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo arrimo ay kamid yihiin Colaada Laascaanood kala hadlay Catriona Laing (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Marwo Catriona Laing.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqayneed eeĀ  Somaliland iyo Qaramada Midoobay, sidii loo dardar-gelin lahaa loona xoojin lahaa mashaariicda Qaramada Midoobay ka waddo gudaha Somaliland.

Waxa kale oo laga wada hadlay wada-hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo arrinta la iska waydaarsaday aaraah. Sidoo kale waxa kulanka lagaga hadlay xaaladda guud ee la xidhiidha colaada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa.

Ugu danbayna Kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in ay si dhaw u wada shaqeeyaan labada dhinac.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, horumarinta Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ahna ku simaha wasiirka iyo Ergeyga gaarka ah ee Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, halka dhinaca weftigana ay ku wehelinayeen madaxa xafiiska qaramada midoobay ee Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo la socday.

Related posts

Ahlu Sunna oo kahor timid Sharuudo ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug (Akhriso)

Cabdi Cade

Rooble oo soo dhisaya Xukuumad cusub ay ku jiraan Mucaaradka iyo Ujeedka ka Dambeeya !

Cabdi Cade

Shiikh Shariif iyo danjire Alberto Vecchi oo ka wadahadlay saddex qodob (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---