Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo kala duwan Niyi Ojoulape iyo wafdi la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socday hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Madaxweyne Laftagareen iyo madaxa hay’adda UNFPA, Niyi ojoulape ee Wafdiga uu hoggaaminayey ayaa ka wada hadlay hormarinta adeegyada caafimaadka, barashada farsamada gacanta, shaqa abuurka dhalinyarada iyo xoojinta wada shaqaynta.

Laftagareen ayaa warbixin ka siiyay madaxda hay’adda uu la kulmay arrimo badan oo khuseeya maamulkiisa oo dhinaca horumarka iyo hiigsiga, waxa uuna hay’adda UNFPA ka codsaday fulinta mashaariic kala duwan.

Kulanka maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed waxaa ka qeyb galay wasiirradda wasaaraddaha qorshaynta, dhalinyarada, caafimaadka, dekedaha, haweenka iyo biyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay saldhiga Booliiska Baladweyne

Cabdi Cade

Taliyihii maanta loo diiday in Kismaayo tago oo magaalo kale ka degay

Cabdi Cade

R/Wasaare Rooble oo Amar siiyay qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumada (Sawirro)

Cabdi Cade