Qarax ay ku dhinteen dad isku qoys ahaa oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya bariga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka dhacay qarax miino ay ku dhinteen saddex nin oo isku qoys ahaa, kuwaa oo haleeshay miino hareeraha wadada lagu aasay.

Qaraxa miino ayaa ka dhacay deegaanka Cali Heelle oo u dhow degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, waxa uuna haleelay mooto nuuca loo yaqaan Fecon-ta oo ay wateen raggan qaraxa ku dhintay.

Sida aan wararka ku helnay saddexda nin ee qaraxa ku dhintay oo ilmo adeero ahaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax, waxaana raggan midkood la sheegay in deegaanka u tagay qaraabo salaan

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna halkaasi ka qaadeen meydadka saddexda dhallinyaro ee qaraxa ku dhintay, kuwaa oo isla maanta la aasay.

Deegaanno badan oo katirsan bariga gobolka Galgaduud oo la filayo in ciidanka dowladda ka sameeyaan howlgalo ayaa lagu aasay miinooyin, waxaan miinooyinkaasi mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -