Haween Soomaaliyeed oo ka laabtay xaflad aroos oo ku geeriyooday Bristol

Haween Soomaaliyeed oo ka laabtay xaflad aroos ayaa khasaaro isugu jira dhimasho iyo mid dhaawac xalay saq-barkii uu kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bristol ee UK.

Booliiska magaalada Bristol ayaa sheegay in labo gaari oo mid kamid ah saarnaayeen gabdho Soomaaliyeed isku dhaceen xilli ay marayeen waddada M4 oo waddo halbowle ah oo aad u isticmaalaan gaadiidka.

Inta la xaqiijiyay shilkan waxaa ku dhintay labo gabdhood oo Soomaali ah ,halka ay ku dhaawacmeen saddex dumar oo kale oo la sheegay in mid kamid ah dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Booliiska ayaa sheegay in ay tageen goobta uu shilku ka dhacay , waxa ayna xuseen in halkaasi ugu tageen labo gaari oo isku dhacay kana baxay wadada , booliiska ayaa sheegay in baaritaano ku wadaan shilkan.

Haweenkan Soomaaliyeed ee shilka ku geeriyooday kuna dhaawacmay ayaa kasoo laabtay xaflad aroos ay u aadeen gobolka Wales, waxaana shilkan dhacay aad uga naxay Soomaalida kunool UK ,gaar ahaan magaalada Bristol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -