Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington, kana hadlay..

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo maanta Khudbad ka jeediyey Jaamacadda George Washington University ayaa uu kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya xiriirka caalamiga ah ee Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhexeeya iyo dedaalada horumarineed ee ka socda.

Muuse Biixi ayaa markii uu dhameeyey khudbadiisa suā€™aalo la xiriira arrimaha Somaliland halkaa ku waydiiyey ardayda dhigata Jaamacadda qaar ka mida oo fursad u helay inay madaxweynaha waydiiyaan, isna uu uga jawaabo suā€™aalihii ay qabeen.

Madaxweynuhu wuxuu xusay inay Somaliland tahay dal bogcad istaraataji ah kaga taalla gobolka Geeska Afrika iyo gacanka cadmeed. Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray dib u dhiska dalku uu Jamhuuriyadda Somaliland ku qaatay muddo 33 sannadood ah inay soo gaadho heerka maanta ay ku naalloonayso oo ay caalamka u soo bandhigtay inay iskeed is-bixisay aqoonsi laā€™aan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu iftiimiyey inay Somaliland leedahay Xukuumad, laba aqal oo baarlamaan oo la soo doortay, isla markaana ay dalka ka dhaceen 22-kii sannadood ee la soo dhaafay lix doorasho oo u qabsoomay hannaan xor iyo xalaal ahi.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Somaliland ay ka jirto xasilooni cago-adag ku taagan, waxaanu ka hadlay qaraxii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa 2008 iyo dilkii Macalimiintii Ingiriiska ahaa lagu khaarajiyey Dugsiga Sheekh Sannadkii 2004-tii, waxaanu tilmaamay in muddadii intaas ka dambeysay ay Somaliland xuduudaheeda beriga iyo baddaba ay ka fogaysay kooxaha argagixisada iyo budhcad-baddeedda halista ku haysa gobolka Geeska Afrika.

Waxa kaloo tilmaamay madaxweynuhu inay Somaliland ilaalo xoog leh ka hayso badda cas iyo marinka gacanka Cadmeed oo ah ka ugu mashquulka badan ee ganacsiga adduunka iskaga gooshaa uu maro.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi wuxuu sheegay in dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto cashuurta laga qaado muwaadiniinta, isla markaana aanay jirin cid ka kabta miisaaniyadda, waxaanu xusay inay SomalilandĀ  isla markaana laga dhisay adeegyada bulshada ee aasaasiga ah sida dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaale ee dalkaba.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland dawladdii hore EE Soomaaliya ku duqaysay diyaaradihii laga soo iibiyey cashuurta shacbiga isla markaana la duqeeyey oo la burburiyey magaalooyinka iyo dhammaan xafiisyada iyo adeegyada guud.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland lixda gobol ee waaweyn laga dhisay 1,000 dugsi, isla markaana gobol walba laga hirgaliyey Jaamacad. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu caddeeyey in 400 oo rugo caafimaad ay Somaliland dhisatay. Waxaanu xaqiijiyey inay Somaliland tahay dal aan lagu lahayn wax deyn ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay Somaliland xafiisyo wakiil ku leedahay 28 dal oo caalamka ku kala yaalla, isla markaana ay magaalada Hargeysa xafiisyo ku leeyihiin dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Turkiga, Imaaraadka iyo Taiwan, waxaanu xusay in yoolka ugu weyn ee Somaliland leedahay ay tahay inay beesha caalamka ka hesho aqoonsi caalamiya.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay inay Hayā€™adda USAID iyo Qarammada midoobay ugu baaqeen inay kaalmada ay toos u siiyaan Somaliland, waxaanu tusaale u soo qaatay in tallaalkii xannuunka COVID19 ay dawladda Soomaaliya u soo dirtay Somaliland xili uu dhacay wakhtigii tallaalka loogu talogalay.

Waxaa madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey xubnihii ka midka ahaa weftiga intooda badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Deegaanka iyo isbedelka Cilimada, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha iyo Dr. Jaamac Muusse Jaamac.

 

- Advertisement -