Miinooyin lagu aasay degaano ka tirsan Sh/hoose oo la soo saaray (Daawo Sawirro)

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah gobolka Shabeellada hoose ayaa ku guuleystay inay soo saaraan Miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta degaanada Dhanaane iyo Jilib Marko.

Taliyaha Guutada 1-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee ciidamada Xoogga dalka halkaasi ka fuliyeen ay ku soo saareen Miinoyin lagu aasay Waddada hareeraheeda.

“Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Malleeshiyaadka nabad-diidka Al-Shabaab iyo horjogayaal” ayuu yiri Jen. Axmed Aadan.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Al-shabaab looga guuleystay howlgallada ka socda dhulka Xeebta ah, isla markaana ay ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -