Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Khasaaro geestay oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar qorsheesan ku qaaday koontarool ay joogeen ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, oo yaallay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir  .

Koox hubeesan ayaa mar qura rasaas ku bilaabay koontarool ay joogeen askar tiro yar oo katirsan ciidanka dowladda, koontaroolkan ayaa ku yaallay halka lagu magacaabo Tiida ,gaar ahaan waddada dheer ee isku xirta Dayniile iyo Daarusalaam.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weerarka Al Shabaab ku dileen afar askari oo ku sugneed koontaroolka, waxaana la sheegay kooxdii weerarka geesatay in ay horey usii qaateen qoryihii askarta ay dileen kana baxsadeen goobta.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo gaaray koontaroolka la weeraray ayaa dabagalay kooxdii weerarka geesatay, wararka aan helnay ayaana sheegaya in ciidamada ku guul dareesteen in ay soo qabtaan raggii weerarka gestay.

Al Shabaab ayaan sannadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka ka geesan weerar toos ah oo lamid ah kii xalay dhacay oo kale, waxa ayna ciidamada dowladda saakay wadaan howlgalo ay ku ogaanayaan halka ay ka yimaadeen kooxdii weerarka geesatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf oo taageero siisay Ra’ila Odinga

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo abaabulkii ugu dambeeyey ka wada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Goodax Barre: “Cali Guudlaawe waa shaqsi ay ku weyn tahay caadifadda qabiilka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---