Goodax Barre: “Cali Guudlaawe waa shaqsi ay ku weyn tahay caadifadda qabiilka”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka soo horjeestay dhismaha Cusub ee Maamulka Hirshabeelle & sida ay dowladda Soomaaliya u wajahday

Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay in Hir-Shabeelle ay nasiib u yeelatay in dowlad kasta ee dalka soo marta ay dhoodhoobato Madaxweyne dano gaar ah laga leeyahay taasina ay nasiib darro tahay.

”Qabaa’ilada in la handado oo beelaha leyska horkeenno dowladdan ayaa ku caanbaxday, waxaa wax lala yaabo ah in shaqsiyaad Federaalka ka socda iyo kuwa kale oo xildhibaanno sheeganaya iyagoo aan wax Ajande ah laheyn loo dirro magaalada Beledweyne oo loogu sheekeeyo dadkaas cabanaya soo handada ama lacag u adeegsada oo meesha halaga kala dirro, waxaasi wax soconaya ma’aha caqligana ma keennayo, waa in la dhageystaa waxa ay bulshadu tabanayaan” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Waxaa uu eedeyn u jeediyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo uu sheegay inuu yahay Nin qabiil oo aan ka shaqeyn karin danta dadka ku nool degaannada Hir-Shabeelle.

“Anniga ma xamanayo si fiican ayaan u aqaannaa, hortiisana marar badan waan ka sheegay Cali Guudllaawe ma’aha shaqsi bulsho hoggaamin kara, waa shaqsi ay ku weyn tahay caadifadda qabiilka, waxa taa keenayana wax kale ma’aha oo waa Nin reer Miyi ah oo inta badan waqtiggiisa ku soo qaatay dhulka baadiyaha ah” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in iyadoo uu khilaaf  jiro dhinaca kale  Cali Guudlaawe ku fakaro in uu munaasabadiisa caleemo saarka ku qabsado magaalada Beledweyne, isaga oo arintaan ku tilmaamay in ay ka mid tahay sida uu hadalka u dhigay aqoondarrada ka heysata dowladnimada.

Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xassan ayuu sidoo kale ku eedeeyey in uu gabbay doorkiisii looga baahnaa ee Ugaasnimo, isaga oo sheegay in uu gacanta ku gallay Villa Soomaaliya oo markii dambena meel cidlo ah uga tagtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -