Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay Dibad baxa ay qorsheeyeen Mucaaradka Digniin adagna diray

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo digniin adag u jeediyay mucaaradka ayaa sheegay “in dibedbaxyo aysan ka dhici doonin dalka, midkii ay u qorsheeyeen Arbacada ma dhici doono.”

Waxa uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Naivasha ee bartamaha Kenya, labo maalmood kaddib markii ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen iska horimaadyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidamada ammaanka.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa billaabay dibadbaxyo xiriir ah oo looga soo horjeedo kororka canshuurta, oo ay ku jirto in la laba jibbaaro canshuurta laga qaado shidaalka, taasoo la saxiixay bishii hore.

“Doorashadii waxay dhammaatay 9-kii Agoosto ee sannadkii hore, ma raadin kartaan hoggaanka dalkan adigoo isticmaalaya dhiigga muwaadiniinta, dhimashada muwaadiniinta iyo burburinta hantida,” ayuu yiri Mr Ruto.

“Banaabaxyadan ma dhici doonaan” Mr Odinga ayaa goor sii horeysay sheegay in todobaadka soo socda la arki doono saddex maalmood oo kale oo mudaaharaad ah oo bilaabanaya Arbacada.

Sida dastuurku dhigayo dadka mudaharaadka abaabulaya waa in ay maamulka u sheegaan waxa ay damacsan yihiin, laakiin madaxweynuha ayaan awood u lahayn in uu mudaharaadyada mamnuuco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Maamul goboleedyada oo hal arin oo ay ka mideysan yihiin ka hadlay

Cabdi Cade

Nin lasoo shaqeeyay xisbigii Naaziga oo laga tarxiilay Mareykanka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi ”Senator Muuse Suudi reer Kismaayo waa u diideen inuu cagahiisa ku socdo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---