Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo abaabulkii ugu dambeeyey ka wada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka badan toddobaad u jooga degaanada Galmudug abaabulka howgallada deegaanka looga xoreynayo al-shabaab ayaa kulammo miro dhalay la qaatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay Al-shabaab kaga harsan yihiin Galmudug.

Waxaa uu ku booriyay inay ka hortagaan qorsheyaasha Al-shabaab ku kala qeybinayso dadka deegaanka, si ay u helaan maalmo ay ku sii carqaladeeyaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Xassan Shiikh xubnaha uu maanta la kulmay oo u badnaa labo beelood ayaa ku balamay iney hagar la’aan ah looga qeyb qaato dagaalka degaanada Galmudug looga sifeynayo Al-Shabaab.

Xasan Shiikh ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhowaan bilaabanaya howlgalo culus oo Al-Shabaab looga saarayo degmooyin kooban oo ay kaga sugan yihiin Galgaduud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo duqeyn ku laayay Muhaajiriin badan oo Afrikan ah

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo maanta Kulan muhiim ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---